Search
Close this search box.

Agaasimaha SFMIS MUDANE :ABDIKADAR Mohamed Jimale ayaa Tabar u qabtay

Maanta, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa marti geliyay tababar muhiim ah oo loo qabtay howlwadeenada Waaxda Somali Financial Management Information System (SFMIS). Tababarkaan oo cinwaankiisu ahaa “Cybersecurity Essentials: Mastering Cyber Risk Assessment for Robust”, waxaa bixiyay Eng. Bashiir Xashi Dhoore, oo ah khabiir ku takhasusay amniga internet-ka.

Tababarkaan ayaa diiradda saarayey kor u qaadidda aqoonta howlwadeenada Waaxda SFMIS ee ku aaddan amniga internet-ka iyo sida looga hortago weerarrada ka dhaca internet-ka. Tani waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee loogu jiro in la xoojiyo awoodda waaxda ee la tacaalidda arrimaha amniga dhijitaalka ah.

Gabagabadii tababarka, Agaasimaha Waaxda SFMIS, Mudane Cabdiqadar Maxamed Jimcaale, ayaa uga mahadceliyay Eng. Bashiir Xashi Dhoore sida hagar la’aanta ah ee uu ugu soo bandhigay aqoontiisa iyo waqtigiisa uu sida naf-hurnimada leh ugu bixiyay.

DHAMMAAD.

Share This Article