Search
Close this search box.

Agaasimaha SFMIS Abdikadar Mohamed jimale ayaaa so jeediyay muhim…

Maanta waxaa Magaalada Baydhabo si rasmi ah uga furmay shirkii aqoon-is-weydaarsiga ee looga hadlaayey horumarinta hannaanka maaliyadda ee dalka. Shirka waxaa furay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimaha Miisaaniyadda ee Maamulka Koonfur Galbeed, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee maamulkaas.

Xisaabiyaha Guud ayaa khudbaddiisa ku dheeraaday muhiimadda uu aqoon-is-weydaarsigani leeyahay, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa hannaanka maaliyadeed ee dalka iyo sidii loo gaari lahaa halbeegyada muhiimka ah ee deyn-cafinta Soomaaliya.

Intaa ka dib, waxaa hadalka qaatay Agaasimaha Waaxda Khasnadda ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud, kaas oo sharaxaad ka bixiyey sida uu u shaqeeyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, isagoo iftiimiyey doorka muhiimka ah ee uu xafiiskani ku leeyahay nidaamka maaliyadeed ee heer qaran.

Madax-qeybka Maamulka Lacagaha Cadaanka ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sidoo kale warbixin ka jeediyey, isagoo sharaxay heerarka uu soo maray warbixinta maaliyadeed ee ay sida wadajirka ah u soo saaraan Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyo hormarada la hiigsanayo.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka hadlay madax ka socotay Mashruuca PREMIS2, iyo Wasaaradaha Maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo aragtidooda ku biiriyey sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee heerarka kala duwan.

Maalinta koowaad ee aqoon-is-weydaarsigan oo diiradda oo lagu saaray warbixinnada maaliyadeed ee ay sida wadajirka ah u soo saaraan Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa lagu soo xiray si guul ah. Aqoon-is-weydaarsigan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah.

+6

Share This Article