Waxaa maanta oo Isniin ah Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ka dhacay tartan daahfuran loona qabtay howlwadeenada waaxda Somali Financial Management Information System (SFMIS) kaas oo lagu buuxinaayey booska agaasimaha oo banaan.
Sidaa darteed waxaa ku soo baxay jagada agaasimaha waaxda SFMIS mudane Cabdiqadar Maxamed Jimcaale, oo noqon doona agaasimaha rasmiga ee waaxda. Waxaana u rajeynaynaa in uu Alle ku garab galo howlaha baaxada leh ee horyaala waaxda.
DHAMMAAD