Baydhabo, 27-08-2024 – Agaasimaha sfmis abdikadar Mohamed Jimale oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo, ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Bangiga Dhexe ee Maamulka Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda Maaliyadda ee maamulkaas.
Xisaabiyaha Guud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey xarunta Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda, halkaas oo uu kula kulmay madaxda ugu sareeyso ee hay’addahaas. Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga maaliyadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo la isla gartay in la dardargeliyo arrimaha muhiimka ah ee horyaalla labada dhinac.
Sidoo kale, Xisaabiyaha Guud ayaa warbixin kooban ka dhageystay madaxda Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey xaaladda maaliyadeed ee maamulka iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee Koonfur Galbeed.
Xisaabiyaha Guud ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ka socota Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda, isaga oo ballan qaaday in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto taageerada iyo wada shaqeynta ay la leedahay maamullada dalka si loo gaaro horumar waara oo ku saabsan maamulka maaliyadeed.